Xildhibaan Lagu Dhaawacay Meel U Dhaw Xaruunta Baarlamaanka Ee Muqdisho

25 total views, 1 views today

Waxaa Goordhaw Agagaarka Isgooska Zayidka Kuna Dhaw Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Ee Magaalada Muqdisho Lagu Dhaawacay Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug.

Sida Aan Wararka Ku Helnay Xildhibaanka La Dhaawacay Oo La Socday Gaari Yar Oo Nuuca Raaxada Ah Ayaa Waxaa Rasaas Ku Furay Ilaalada Xildhibaan La Sheegay In Uu Katirsan Yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka La Dhaawacay Ayaa Magaciisa Lagu Sheegay Maxamed Cabdulaahi Madoobe Waxa Uuna Kasoo Jeedaa Degmada Ceel Buur Ee Gobolka Galgaduud, Dhaawaca Xildhibaanka Oo Ah Mid Aad U Culus Ayaa La Geeyay Isbitaal Kuyaala Muqdisho.

Goobta Lagu Dhaawacay Xildhibaankan Katirsanaa Baarlamaanka Galmudug Waxaa Ku Sugnaa Ciidamo Katirsan Booliiska Soomaaliya, Lamana Oga In Gacanta Lagu Dhigay Ciidankii Dhaawacay Xildhibaankan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.