Xildhibaan Ku Baaqay In Ciiddanka Kenya Lagabax sho Somalia..

12 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Xildhibaan Cumar Maalim Oo Laga Soo Doorto Bariga Mandera Waxa Uu Ka Codsaday Barlamaanka Kenya Inay Amar Ku Bixiyaan In Sida Ugu Dhaqsaha Badan Ciiddanka Kenya Looga Soo Daad-Gureeyo Gudaha Dalka Somalia.

Waxa Uu Sheegay In Lagu Guul-Daraystay Hawlgalka Ay Ciiddanka Kenya U Joogaan Somalia Muddada 7-Da Sanno Ee La Soo Dhaafay, Isla Markaana Ay Kordheen Weeraradda Ay Alshabaab Ka Geystaan Gudaha Kenya.

Xildhibaan Cumar Maalim Waxa Uu Codsigiisa Ku Sheegay In Loo Baahan Yahay In Ciiddanka Kenya La Soo Celiyo, Si Ay U Sugaan Ammaanka Xuduudaha Kenya

Waxa U Uintaasi Ku Daray Wixii Ka Dambeeyey Markii Ay Ciiddanka Kenya Galeen Somalia Sannadkii 2011-Kii Inay Sii Xumaaday Ammanaka Kenya, Iyadoo Ay Alshabaab Weeraro Ka Geysteen Nairobi, Garissa, Mandhera Iyo Deegaano Kale.

Dhinaca Kale, Xildhibaankaasi Ka Tirsan Barlamaanka Kenya Waxa Uu Sheegay In Hwalgalakasi Laga Macaashay Oo Keliya Kharaj Malaayiin Dollar Oo La Khasaariyey, Askar Badan Oo La Dilay Iyo Burbur Gaadiid, Dhismooyin Iyo Hanti Kale.

Xildhibaanka Waxa Uu Ka Hadlay Weerarkii Alshabaab Ka Geysteen Rugta Ganacsiga Ee Westgate Mall Ee Magaalladad Nairobi Sannadkii 2013-Kii Oo Lagu Dilay 67-Qof Iyo Weerarkii Alshabaab Ku Qaadeen Jaamacadda Gaarisa Sannadkii 2015-Kii, Oo Ay Ku Geeriyoodeen 149-Arday.

Dowladda Kenya Waxay Horey Dhegaha Uga Fureysatay Baaqyo Ku Aadan In Ciiddanka Laga Soo Saaro Somalia, Waxayna Ku Adkeysteen Madaxda Kenya Inay Ciiddanka Kneya Sii Joogayaan Somalia Ilaa Laga Soo Af-Jarayo La-Dagaalanka Alshabaab Iyo Soo-Celinta Nabadda Iyo Deganaanshaha Somlaia.

Xarakadda Alshabaab Ayaa Iyagan Wacad Ku Maray Inay Sii Wadayaan Weeraradda Ay Ka Geystaan Gudaha Kenya, Tan Iyo Inta Ciiddanka Kenya Ku Sugan Yihiin Geyiga Somalia.