
32 total views, 1 views today
(Warqaat.Com)–Sidda ay Warqaat.Com u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir Waxaa xilkii laga qaaday Gudoomiyihii degmada Waabari Roodo Cabdullaahi Colaad.
Xilka Gudoomiyaha degmada Waabari ayaa waxaa loo Magacaabay Mahad Cilmi oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Mahad Cilmi ayaa kasoo jeedda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo uu kasoo galay Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Xilka ka qaadista Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho ayaa xowli ku socota, waxaana dhawaan xilkii laga qaaday Gudoomiyihii degmada Hodan Cantoobo, iyadoo oo loo Magacaabay Guddoomiye cusub.