Xildhibaan Jeesow oo su’aal geliyay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

16 total views, 2 views today

Xildhibaan Daahir AMiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya uu faraha kula jiro siyaasadda Soomaaliya.

Keating ayaa dhawaan sheegay in Mooshinka laga gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu fashilmay islamarkaana hadda uu jiro mid ka dhan ah Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Keating ayaa sheegay in mooshinnada ay siyaasadda Soomaaliya qeyb ka yihiin,isaga oo sheegay in loo baahanyahay hay’ado dowladeed oo xeerar adag leh in wax looga qaban karo musuqa.

Daahir Amiin oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaannada Mooshinka wada ayaa sheegay in Keating uu ku qladanyahay faragelinta arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in uu la yaabbanyahay sababta uu faraha ula galayo arrimaha Baarlamaanka,waxaana uu isweydiiyay in uu Keating wado shirqool iyaga ka dhan ah iyo in kale.