Xildhibaan Fiqi oo kashifay sababta Soomaaliya ku kaliftay in lasafato Sacuudiga Arinta jamaal khashoggi

60 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada sida aadka oga soo horjeydo dowlada oo hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhow facebook soo dhigay qoraal oga hadlaayo go aan shalay kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee soomaaliya kasoo oga hadleyse culeyska siyaasadeed haatan heysto sacuudiga kasoo kadhashay dilkii wariye Jamaal waxaana u qornaa hadalka Fiqi sida tan.

MAR KALE & SIYAASAD QAR ISKA TUURNIMO AH
Xukuumadda Soomaaliya ayaa 14-kii bishaan soo saartay qoraal afcarbi ku qoran oo aan ku tilmaami karo mid aan loo meel dayin, ka fiirsasho iyo isu dheelitir siyaasadda arrimaha dibaddana aan lagu qorin.

Waxaan isla Maanta aqriyey baaq dawladda Sudan ay ka soo saartay xiisadda Sucuudiga iyo Turkiga ka dhex-taagan, adduunka kale oo xorta ahna ay mawaaqif bani’aadamnimo ku dheehan tahay ka istaageen..

Baaqa Xukuumadda Soomaaliya wuxuu u qornaa sidan:
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”

Baaqa Dawladda Sudan ay shaley soo saartayna wuxuu u qoran yahay sidatan: “Waxaan si welwel leh ula soconaa dhacdadii lagu waayey muwaadinka sucuudiga u dhashay ee Jamaal Khaashuqji ee magaalada Istnabuul, Annagoo ka ambaqaadayna xiriirka qotada dheer aan la wadaagno labada dal ee boqortootada Sucuudiga Carabiya iyo jamhuuriyadda turkiya, Suudaan waxey ugu baaqaysaa labada dal ee walaalaha in ay ku daaweeyaan arrintan dhinacyadeeda sharci iyo diplomaasi sidii looga bartay ee dheelitirnaanta iyo xikmadda lahayd”

Dhanka kale waxey cadeeyeen garab-istaaggooda Sucuudiga gaar ahaan isku dayada awoodaha caalamka ay kala kulmayso ayagoo ka faa’ideysanaya dhacadadaan si ay ajendayaashooda ugu qasbaan”

Farqi weyn ayaa u dhexeeya labada baaq, Suudaan waxay ilaalsatay saaxiibtinimada labada dal, waxey Sucuudiga u muujisay in ay Garab taagan tahay marka ay xaalku taagan yahay dawladaha kale ee raba in ay arrintan ku soo hoosgabadaan”

Dalka Soomaaliya ma xamili karo ” siyaasad qar iska tuur iyo mawaaqif aan laga fiirsan”, dalka Turkigu waa saaxiib adag oo u baahan in aanan ku dhaawicin warqad hal bog nuskiis ah oo laga yaabo in dano gaar ahaaneed lagu saleeyey soo saaristeeda.