Xildhibaan Dhalxa: “Guddiga dekada waa in looga dambeeya la xisaabtanka Imaaraadka”

21 total views, 1 views today

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhaliilay Siyaasiyiinta iyo xubnaha kale ee ku jira dowladda Federaalka ah oo sida uu sheegay sida joogtada ah uga hadlaya arrimaha Sharikadda DPWorld ee Dekadda Berbera la wareegtay.

Xildhibaan Dhalxa oo ka mid ah Guddiga Dekadaha iyo Gaadiidka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ka hadlaya arrintan ay aad u deg degayaan islamarkaana ay isbar baryaac ku hayaan xaaladda heshiiska Berbera.

Prof: Dhalxa ayaa sheegay in ay muhiimtahay in Guddigiisa oo arrintan qaabilsan loo daayo islamarkaana aan lagu faragelin kahadalkeeda iyo la xisaabtanka Dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in wixii Guddigooda ka soo hara ay muhiimtahay in laga hadlo,waxaana uu ka digay in arrintan ay ka dhalan karto dhibaato iyo guul darro arrintaas ka dhalata.

Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in qofkii iyaga garab marta ay iyaga u arkayaan in uu garab maray sharciga dalka u deggan,isaga oo sheegay in laga fiicanyahay isbar bar yaaca dowladda dhexdeeda ah.

Xildhibaanka oo ka jawaabayay hadalkii madaxa DPWorld ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid Imaaraadka ay ka arkeen dowladda Federaalka ah iyo dhaqan siyaasadeedkeeda.