Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi “Waa Ayaan Darro In Taladii Soomaaliya Ay Dad Kooban Ku Soo Uruurto”

20 total views, 1 views today

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Sheegay In Aanu Marna Ku Qanacsaneyn Qaabka Madaxweyne Farmaajo Talada Dalka U Wado, Isagoo Ku Dhaliilay In Aanu Fulin Balan-Qaadyo Badan Oo Uu Sameeyay Ka Hor Inta Aan La Dooran.

Xildhibaan Fiqi Ayaa Sheegay In Soomaaliya Ay Taladeeda Meel Xun Ku Socoto, Waxaana Uu Xusay In Dad Kooban Ay Talada Dalka Gacanta U Gashay.

“Waa Ayaan Darro In 27 Sano Kaddib Ay Taladii Soomaaliya Inay Dad Kooban Ku Soo Uruurto, Hadii Wax La Sheego Waa Toosin, Ma Jirto Cid Hub Wadata, Aniga Farmaajo Wasiir Kama Doonan, Ra’iisul Wasaare Kama Doonan, Agaasime Kama Doonan, Hadana Kuma Qanacsani Qaabka Uu Wax U Wado”Ayuu Yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay In Isaga Aan Dowlad Shisheeye Wadan, Balse Uu Ahaa Dadkii Baarlamaanka Mooshinka Ka Geeyay Imaaraadka Carabta Sida Uu Ula Dhaqmayo Soomaaliya.

Hadalka Ka Soo Yeeray Xildhibaan Fiqi Ayaa Ku Soo Beegmaya, Iyadoo Shalay Siyaasiyiin Muxaafad Iyo Mucaarad Ay Hadalo Kulul Isku Weydaarsadeen Furitaanka Madal Loogu Magac Daray Talo Wadaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.