Xildhibaan Abuukaato oo sheegay in xildhibaannada mooshinka wada ay doonayaan gacan tag

15 total views, 1 views today

Xildhibaan Maxmauud Abuukaato oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in XIldhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka ay doonayaan in mooshinka uu noqdo gacan taag.

Waxaa uu sheegay in Dastuurku uu qorayo mooshinka marka loo codeynayo in uu noqdo qarsoodi hayeeshee Ragga hadda mooshinka wada ay doonayaan in dastuurka la garab maro oo gacantaag laga dhigo si ay u ogaadaan inta codka siisay iyo in intakale.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay kuwa uu ku tilmaamay qas wadayaal in aysan heysan tiro ku filan sidaas darteedna ay doonayaan in ay gacantaag u dhacdo mooshinka ka dhanka ah guddoonka golaha shacabka Soomaaliya.

Mooshinkan oo soo billowday 14kii Bishan ayaa heysta kaliya ilaa 24ka Bishan waxaana haddii xilligaas la gaaro oo noqonayaa mid dhacaya.

Guddoomiye Jawaari ayaa XIldhibaannada Mooshinka ka keenay ka codsaday in ay tirada dhameystirtaan 10 maalmood gudahood sida uu qaba xeer hoosaadkana ay mooshinka geeyaan Golaha shacabka.

Waxaa uu Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka ugu baaqay in ay waqti mucayin ah u qabtaan waqti cod u qaadidda Mooshinka lana geeyo meel dhex dhexaad ah isaga oo intaas ku daray in loo baahanyahay in ay kor joogto ka noqdaan beesha Caalamka iyo Culimada Soomaaliyeed.