Xildhibaan Abuukaate Oo Ka Hadlay Sababta Ilaaladiisa U Dileen Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Galmudug…

20 total views, 2 views today

Askari Ilaalo U Ahaa Xildhibaan Maxamed Abuukaate Ayaa Maanta Magaalada Muqdisho Ku Dilay Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug Oo Lagu Magacaabayay Maxamed Cabdi Guuleed .

Ciidamada Booliiska Soomaalia Gaar Ahaan Kuwa Dambi Baarista Ayaa Baaritaan Ku Wada Sida Uu U Dhacady Dilka Loo Geestay Xildhibaankan Katirsanaa Galmudug, Waxaana Xabsiga La Dhigay Askarigii Dilka Geestay.

Xildhibaan Maxamed Abuukaate Oo Ilaaladiisa Dilka Geesteen Ayaa Sheegay In Gaari Uu Watay Xildhibaanka Galmudug Katirsanaa Uu Ku Dhacay Gaarigiisa Sidaana Uu Ku Yimid Dilka Xildhibaanka Loo Geestay.

”Gaari Uu Watay Xildhibaanka Dhintay Ayaa Ku Dhacay Gaarigeyga, Waxa Uuna Xildhibaanka Lasoo Baxay Biskoolad ,Kala Shaki Yimid Ayaana Mid Kamid Ah Ilaaladeeda Xabad Ku Dhuftay Sidaas Ayuuna Shilku Ku Dhacay” Ayuu Yiri Abuukaate.

Xildhibaanka Ilaaladiisa Dilka U Geestyeen Xildhibaanka Katirsan Baarlamaanka Galmudug Ayaa U Muuqda Mid Ka Hor Dhacay Baaritaanka Ay Booliisku Wadaan, Mana Jiro Ilaa Hada Wax War Ah Oo Kasoo Baxay Laamaha Amaanka Oo Ku Aadan Dilkn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.