Xidiga kooxda Chelsea Willian Oo Soo Bandhigay Sida Uu Kaga Careysan Yahay Chelsea–Muxuu Ka Yiri Mustaqbalkiisa?

19 total views, 1 views today

Xiddiga Heerka Caalami Ee Dalka Brazil Willian Ayaa Qiray Inuu Ka Careysan Yahay Boos La’aanta Ku Heysata Kooxda Chelsea, Laakiin Waxa Uu Ixtiraamayaa Go’aan Kasta Oo Uu Sameeynayo Tababaraha Blues Antonio Conte.

Willian Ayaa Kusoo Biiray Kooxda Galbeedka London Ka Dhisan Sannadkii 2013kii, Waxaana Uu Ahaa Xiddigii Ugu Muhiimsanaa Kooxdiisa Xilli Ciyaareedkii Ugu Dambeeyay Ee Jose Mourinho Hogaamiyo Kooxda Ku Ciyaarta Stamford Bridge.

Laakiin Imaanshaha Tababaraha Italy Conte Ayaa Meesha Ka Saaraty Hami Kasta Oo Uu Xiddiga Reer Brazil Ka Lahaa Sii Joogista Kooxda Ka Dhisan London.

Ciyaaryahanka Garabka Ka Ciyaara Ayaa Kaliya Lix Kulan Oo Premier League Ah Soo Muuqday Xilli Ciyaareedkaan, Inkastoo Kulankii Ugu Dambeyay Uu Kusoo Bilowday Bishii October.

Kooxda Manchester United Tababaraha Hogaamiya Ee Jose Mourinho Ayaa Wadahadalo Kula Jira Willian Si Uu Ula Soo Wareego Bisha Janaayo.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Wargeysyada Ayaa Sheegaya In United Ay Dib U Soo Cusbooneysiin Doonto Xiisaha Ay U Qabto 29 Jirkaan Bisha Janaayo.

Isagoo Ka Hadlaya Xaaladiisa Chelsea, Willian Ayaa Cadeeyay Inuusan Ku Qanacsan Nolosha Stamford Bridge, Laakiin Uu Ixtiraamayo Go’aanka Tababarihiisa Conte.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.