Xeer ilaaliyaha iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare Koofur Galbeed oo Maanta Shaqada la wareegaya.

20 total views, 1 views today

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo Shalay Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamdda Sare Axmed Cali Muuse iyo Xeer ilaaliyaha Koofur Galbeed Maxamed Macalin Cabdiyow isla shalayne lagu dhaariyey Magaalada Baydhabo ayaa maanta guda galaya howlaha Shaqo ee loo magacaabay.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuurdiin Yuusuf Abuukar ayaa Warqaat.Com u sheegay in Maanta oo Isniin ah ay si toos ah u gada gali doonaan howlaha shaqo ee loo ikmaday.

Ujeedka loo magacaabay Xubnahaan ayuu sheegay in ay muddooyinkaan jirtay Baahida loo qabo, Maadaama uu sheegay in howlaha shaqo ee Maxkamadda Sare ee Maamulka Koofur Galbeed uu gaabis ku jiray dhawaanahaan.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tibaaxay in Shacabka iyo Maamulka Koofur Galbeed ay ka rajeynayaan labadaan Mas’uul ee Xilka loo Magacaabay in ay kasoo baxaan Xilka loo magacaabay.

Booska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koofur Galbeed ayaa tan iyo sanadkii tagay 2017-dii dabayaaqadkiisa banaanaa, kadib xil ka qaadis Madaxweyne Shariif Xasan uu ku sameeyey Shiikh Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax), isagoona ugu dambeyn Shalay Magacaabay.

Shiikh Axmed Fanax iyo Mas’uuliyiinta Ammaanka Maamulka Magaalada Baydhabo oo Khilaaf soo kala dhex galay, ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in uu usoo guuray Gobolka Shabeelaha Hoose, si uu ugu shaqeeyo, Maadaama uu halkaa kaga suu guuray Sababo amnigiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.