Xasan Sheekh Oo Fariin U Diray Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland…

17 total views, 2 views today

Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa U Hambalyeeyay Shacabka Iyo Madaxwaynaha Cusub Ee Maamulka Muuse Biixi Cabdi Kaas Oo Cod Aqlabiyad Leh Kaga Guuleystay Labadii Xisbi Ee Ku Loollamayay.

Isaga Oo Adeegsanaya Facebook Ga Ayuu Kusoo Qoray Xasan Sheekh Maxamud Qoraal Kan:

“Waxaan Halkaan HAMBALYO IYO BOGAADIN UGA DIRAYAA DHAMMAAN DADWEYNAHA SOOMAALILAND IYO Madaxweynaha Cusub Ee La Doortay Md. Muuse Biixi Oo Aan Leeyahay Doorashada Aad Dhaqangeliseen Waa Wax Lagu Farxo Oo Lagu Faano Sida Deggan Ee Nidaamsan Ee Dulqaadka Iio Tanasulku Ku Dheehan Yahay Ee Aad Ugu Guuleysateen.

Waxaan Sidoo Kale Bogaadinayaa Md. Cabdiraxmaan Cirro Gudd. Xusbiga Waddani Mas’uuliyadda Iyo Biseylka Siyaasadeed Ee Uu Ka Muujiyay Go’aankii Natiijada Doorashooyinka

Doorashada Somaliland Waxay Muujineysaa Ididiila Wanaagsan Oo Tilmaameysa Dimoqradiyadu Iney Si Hagaagsan Uga Dhaqangeli Karto Habnololeedka Iyo Dhaqanka Dadka Soomaaliyeed.

Waxaad Jideyseen Tusaale Habboon Iyo Habdhaqan Siyaasadeed Cusub Oo Ku Daysi Mudan Ee Guuleysta Oo Nabad Iyo Horumar Ku Waara.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.