Xaaf oo shaaciyay xiliga Md Farmaajo tagayo Cadaado

21 total views, 1 views today

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho todobaad qaadatay ku jooga deegaanada Puntland ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo uu shalay gaaray.

Madaxweynaha ayaa maalinimada Isniinta ah tagaya Magaalada Cadaado oo Xarun Kumeel gaara u ah Maamulka Galmudug sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf.

Xaaf oo wariyayasha kula hadlay garoonka Cadaado ayaa usheegay in safar dhanka dhulka ah Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku iman doonaan Cadaado, Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha inuu soo mari doono Degmooyinka Gaalkacyo, Dhuusa-Mareeb iyo Cabudwaaq.

Xaaf ayaa bidhaamiyay in muhiimada ay tahay sidii Madaxweynaha loo soo tusi lahaa saameynta abaarta ku dhufatay deegaanada Galmudug, sidoo kale soo arko burburka ka jira wadooyinka Galmudug, uuna kala shaqeeyo Galmudug sidii ay ula tartami leheyd Maamulada kale ee dalka Kajira.

Waxa uu tilmaamay in mudo ku siman bil uu sugayay Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo qeybo kamid ah Deegaanada Maamulka Galmudug, Shacabka ayuu faray iney udiyaar garoobaan soo dhaweynta Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa wali ku guda jira Safar soo bilowday Axadii, isagoo soo maray Magaalooyinka Garoowe, Qardho iyo Boosaaso uu ku suganyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.