Xaaf Oo Go’aan Lama filaan ah Ka Qaatay Baaqii Farmaajo

1,366 total views, 1 views today

Warqaat.Com:- Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu isbadel ku yimid Go’aankiisii la kulanka Madaxda Dawlada Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay oo kusugan Dhuuso mareeb ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Xaaf uu ogolaaday ka qeyb galka Shirka Wadatashiga Ee Madaxweyne Farmaajo iclaamiyey inuu ka dhaco Muqdisho.

Kulan xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray Sheekh Shaakir Maxamed Xasan iyo Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxa la isku raacay in laga qeyb galo shirka Dawlada Dhexe ku qabaneyso Muqdisho.

Waa Mid kale oo Saameynteeda leh,Xilli Bishii September uu Hore ula heshiiyey Maxamed Cabdi Waare Dawlada Dhexe hadana lala Heshiisiinayo Axmed Xaaf.

Golaha Iskaashiga Dawlad Gobolleedyada waxa uu noqon karaa intaas kadib mid bur bur ku yimaada hadii Xaaf lala Heshiisiiyo Dawlada Federaalka.