Wiil Uu Dhalay Qadaafi Oo Isu Sharraxay Madax Wayne Nimada Dalka Liibiya Iyo Awood Ka Hortaagan

??

15 total views, 1 views today

Wiilka 2AAD Ee Uu Dhalay Madaxweynihii Hore Ee Liibiya Mucaamir Al-Qadaafi Oo Lagu Magacaabo Seeyfal Islaam Ayaa Shaaciyay In Uu U Tartamayo Jagada Madaxweynenimada Dalka Liibiya. Qoyska Seeyfal Islaam Ayaa Sheegay In Uu Doonayo In Uu Door Ku Yeesho Dhex Dhexaadinta Dalka Iyo Soo Celinta Dowladnimadii Liibiya.

Sidoo Kale Xilka Madaxtinimada Waxaa U Tartamaya Ra’isalwasaaraha Hadda Ee Dalkaas Iyo Jeneraalka Xoogga Badan Ee Khaliifa Xaftaar.

Xaftaar Waxaa Uu Ku Tashanayaa Awooddiisa Ciidan Waxaana Uuu Shaaciyay Damaciisa Xilka Madaxweynaha Liibiya,Halka Ra’isalwasaaraha Oo Ay Wataan Masar Iyo Imaaraadkuna Sheegay In Uu Musharrax Yahay.

Seeyfal Islaam Oo 44 Jir Ah Waa Wiilka 2AAD Ee Qadaafi,Waxaana Uu Doonayay Ka Hor Dhimashadiisii In Wiilkan Uu Isaga Ka Beddelo Xilka Madaxweynaha Liibiya.

Mr Islaam Waxaa Dooneysa Maxkamadda Dambiyada Adduunka Ee Icc Oo Ku Heysata In Intii Uu Socday Dagaalkii Aabbihii Lagu Dilay Uu Dad Badan Laayay,Sidoo Kale Maxkamad Ku Taalla Magaalada Tripoli Ee Xarunta Liibiya Ayaa Iyana Dooneysa.

Golaha Sare Ee Qabiillada Liibiya Ayaa Wiilka Qadaafi U Doortay In Uu U Tartamo Doorashada Madaxtinimada,Waxaana Golahan Rumeysan Yihiin In Mr Islaam Kaalin Ka Qaadan Karo Bad Baadinta Sharafta Liibiya Ee Hadda Gebiga Ka Laad Laadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.