Weriyeyaal u xirnaa Somaliland oo xukun adag lagu riday(Wax Ka Ogoow)

24 total views, 2 views today

Maxkamad ku taalla magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa xukuntay wariyayaal ka howlgalayey Magaaladaas oo maamulku Somaliland ee halkaas ka jira uu xabsiga dhigay

Wariyayashan oo lagu kala Magacaabo Maxamed Cabdullaahi oo ah Wakiilka Kalsan Tv ee Magaalada Boorama iyo Axmed Diiriye Ciiltire oo ah Wakiilka Tv-ga iyo Raadiyaha SBC ayaa waxaa midkiiba lagu xukumay labo sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Owdal ayaa sheegay in wariyeyaashaan loo heysto warar ka dhan qaranimada Somaliland oo ay ku faafiyeen baraha bulshada.

Qareenka u doodaya labada weriye ayaa xukunkan ku tilmaamay mid cadaalada ka fog isagoo sheegay in markii hore laba sano oo xarig ah lagu xukumay markii ay racfaan ka qaateen markale lagu xukumay laba sano oo xarig ah isagoo xusay inaan maxkamda la horkeenin cadeymo muujinaya dembiga lagu soo eedeeyey.

Degaanada hoos taga Maamulka Somaliland ayaa had iyo jeer xarig iy caburin loogu geystaa weriyeyaasha madaxa banaan ee magaalooyinka hoos taga maamulkaas wararka ka soo tebiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.