Weerar Xalay Ka Dhacay Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya…

20 total views, 1 views today

Dabley Hubeysan Oo Wadatay Gaari Nooca Raaxada Ah Ayaa Xalay Rasaas Ku Furay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Amniga Dowlada Oo Fariisin Ku Leh Xaafadda Xamar-Jadiid Oo Ka Tirsan Degmada Warta-Nabadda Ee Magaalada Muqdisho.

Rasaasta Ay Fureen Dableyda Gaariga Wadatay Ay Waxaa Ku Dhintay Hal Askari, Iyadoo Mid Kalena Uu Ku Dhaawacmay Sida Ay Warbaahinta U Xaqiijiyeen Dad Goob Joogayaal Ah

Wararka Ayaa Intaa Ku Daraya Kooxdii Hubeysneyd Ee Rasaasta Ku Furay Ciidamada Ammaanka Ay Goobta Ka Baxsadeen, Waxaana Goobtaas Ay Ciidamada Ammaanka Ka Sameeyeen Howlgalo, Iyagoo Xiray Wadooyinka Soo Gala Fariisinka La Weeraray.

Al-Shabaab Ayaa Sheegatay Weerarkan Ka Dib  War Soo Dhigeen Baraha Inernetka Ee Taageera Iyagoo Sheegaya Iney Halkaas Ku Dileen Saddex Askari Qaar Kalena Ay Dhaawaceen.

Ma Jiro War Ku Saabsan Weerarkan Oo Ka Soo Baxay Saraakiisha Laamaha Amaanka Dowlada Iyo Maamulka Degmada Warta Nabada Hase Ahaatee Magaalada Muqdisho Ayaa Mararka Qaar Ka Dhaca Weeraro Gaadmo Ah Oo Lagu Dilo Askarta Iyo Dadka Kale Ee Dowlada U Shaqeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.