Weerar Ka Dhacay Gobolka Sh/ Hoose Iyo Khasaaraha…

29 total views, 1 views today

Wararka Laga Helayo Gobolka Shabeelaha Hoose Ayaa Sheegaya In Xalay Weerar Madaafiic Ah Uu Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Gobolkaasi.

Waxaana Maadfiicdaasi Is Weydaarsanayay Ciidamada Amisom Oo Saldhig Ku Leh Nawaaxiga Deegaanka Laanta Buuro Iyo Dagaalyahannada Al Shabaab Oo Fariisin Ku Leh Deegaanka  Saalaamiin Ee Goblka Shabeelaha Hoose.

Illo Deegaanka Ah Oo Warqaat.Com Ayaa Sheegay Weerarka Uu Ahaa Mid Labada Dhinac Ay Is Weydaarsanayen Madaafiic Xoogan, Iyagoo Ku Kala Sugan Xarumahooda.

Waxaana Ay Sheegeen In Muddo Saacado Ah Weerarku Uu Socday, Islamarkaana Uu Jiro Khasaaro, Balse Aan La Xaqiijin Ka Rin Inta Uu La’egyahay.

Ma Jiro Illaah Iyo Hadda Wax Hadal Ah Oo Ka Soo Baxay Labada Dhinac Oo Ku Aadan Weerarkaasi.

Balse Had Iyo Jeer Al Shabaab Ayaa Weeraro Ku Qaada Fariisimaha Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amisom Ay Ku Leeyihiin Gobolkaasi.