Weerar Ka Dhacay Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo

23 total views, 3 views today

Wararka Caawa Naga Soo Agaraya Degamda Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Fariisn Ciidamada Dowlada Ay Ku Leeyihiin Ay Weerar Ku Soo Qaadeen Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Weerarka Kadib Ayaa Dadka Deegaanka Ayaa Waxa Ay Sheegen In Halkaasi Uu Ka Dhacay Dagaal Mudo Saacado Ah Socday,Kaas Oo Dhaliyay Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Ah.

Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo Ayaa Dalsan U Sheegay In Shabaab Ay Weerar Ku Soo Qaadeen Mid Ka Mid Ah Difaacyada Ciidamada Dowladda Ee Degmadaas,Isla Markaana Ay Iska Difaceen.

Dadka Deegaanka Ayaa Iyana Waxa Ay Sheegeen In Caawa Ay Cabsi Dareemayaan Maadaama Weli Xiisadii Dagaal Ay Ka Taagan Tahay Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo.