Weerar dad badan lagu dilay oo Mareykanka ka dhacay

349 total views, 5 views today

Ciidamada Booliska Magaalada Pittsburgh ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in  dilay 11 qof kaddib markii qof hubaysan uu rasaas ku furay macbad Yuhuudda ay ku cibaadeysato oo halkaasi ku yaalla.

Booliska waxa ay sheegeen Ninka weerarkani geystay ee looga shakisanyahay in lagu magacaabo Robert Bowers oo 46 sano jir ah.

Ninkaan ayaa waxaa dhaawacay Ciidanka Booliska waxaana hadda lagu dabiibayaa isbitaal halkaasi ku yaalla, sida ay booliska xaqiijiyeen.

Boqolaal dad ah oo ka kala yimid magaalada Pittsburgh iyo magaalooyinka u dhowba ayaa isku yimid si ay ugu duceeyaan dadkii ku dhintay weraarkaasi.

Sophia Levin, oo ka soo jeeda Pttispurgh ayaa sheegtay in dadka ay aad uga caroodeen dhacdadani balse ay hadda u muuqato inay doonayaan in arrintan loo wajaho si wada jir ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaan oo uu ku tilmaamay mid si naxariis darro ah oo aan kala sooc lahayn loo fuliyay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu booqan doono magaladaasi ka dib markii uu dhacay weerarkan ay ku dhinteen 11-ka qof.