Weerar Bambaano Oo Xalay Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

31 total views, 1 views today

Weerar Bambaano Ayaa Xalay Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Degmada Dayniile, Iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Ee Ilaalada Ka Hayay Xaruntaas Ay Ku Jawaabeen Rasaas Culus.

Dadka Deegaanka Ayaa Sheegaya Inay Maqlayeen Jugta Bambooyin Iyo Rasaas Culus Oo Daba Socotay Qarax Bambaano Kadib.

Warbaahinta Maxaliga Ayaa Ku Soo Warameysa In Bam Gacmeedka Markii Lagu Tuuray Goob Ciidanka Amniga Xarunta Ka Sugayeen Ay Xigtay Is Rasaaseyn Muddo Kooban Dhex Maray Ciidamada Ilaalada Ahaa Iyo Koox Hubeysan.

Lama Oga Khasaaraha Ka Dhashay Weerarka Bambaano Iyo Rasaastii Xigtay, Waxaana Saaka Ciidamada Xoogga Dalka Ay Baaritaano Ka Wadaan Xaafado Ku Dhow Dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ayaa Ka Mid Ah Xarumaha Sida Aad Ammaankooda Loo Adkeeyay, Waxaana Ku Howl Gala Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka.

43 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.