Wax Ka Ogoow Dilay Horjooge Ku Xigeenka Al-Shabaab U Qaabilsanaa Gobolka Shabelaha Hoose

17 total views, 1 views today

Wararka Shabakada Warqaat.Com  Ay Kahelayso Gobolka Shabellaha Hoose Ayaa Sheegaya In Halkaa Lagu Dilay Horjooge Ku Xigeenka Al-Shabaab U Qaabilsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Horjooge Ku Xigeenka Al-Shabaab U Qaabilsan Gobolka Shabellaha Hoose Ayaa Ku Baxay Gacanta Ciidamada Xooga Dalka Xili Ay Ku Guda Jireen Howlgal.

Howlgalka Lagu Dilay Horjoogahan Shabaab Ka Tirsanaa Ayay Saraakiishu Sheegeen Inuu Si Gaar Ah Uga Dhacay Degaan Hoos Yimaada Degmada Aw-Dheegle Oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose.

Ku Xigeenkii Shabaab Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Ee Ku Baxay Gacanta Ciidamada Xooga Ayaa Waxaa Lagu Magacaabi Jiray Maxamad Abuu-Cabdalla, Sida Ay Sheegen Saraakiisha Militeriga.

Sidoo Kale, Howlgalka Ayaa Waxaa Lagu Dilay Ku Dhawaad Sagaal Maleeshiyo Oo Ka Tirsan Al-Shabaab Kuwaa Oo Xiliga Howlgalka Isku Dayay Inay Baxsadaan.

Dhinaca Kale, Saraakiisha Ciidanka Xoogga Waxa Ay Sheegeen Xiliga Uu Dhacayay Howlgalka Lagu Dilay Ninkan Shabaab Ka Tirsanaa In Uu Waday Qorshe Dagaal Oo Ka Dhan Ah Ciidamada Dowlada Ee Fariisimaha Ku Leh Gobolka Shabeellaha Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.