Wax Badan Ka Ogow Sababta Loo Xayiray Thaabit Cabdi,Loogu Diiday Kullumada Siyaasadeed…

22 total views, 4 views today

Waxaa Soo Baxayay Warar Sheegayay In Xayiraad Dhanka Socdaalka Ah La Saaray Guddoomiyeyaashii Xilka Laga Qaaday Ee Gobolka Banaadir Oo Uu Ku Jiro Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed.

Sidoo Kale,Waxaa Mas’uuliyiinta Xilka Laga Xayuubiyay Laga Xanibay Dhaq Dhaqaaqa Kulumada Siyaasadeed,Waxaan Laamaha Amaanka Lagu War Geliyay Iney Il Gaar Ah Ku Eegaan.

Iyadoo Mararka Qaarkood Warbaahintu Sheegayso In Madaxda Dalka Qaarkood U Dirayaan Hanjabaado Iyo Cagajugleyn, Waa Lagu Xidhayaa Waa Lagu Maxkamadeynayaa Waa Lagu Xukumayaa Iwm.

Haddaba Maxay Tahay Sababtu

Guddoomiye Taabit Wuxuu Ka Mid Ahaa Rukunadii Dowladda, Waxa Kale Oo Uu Xog Ogaal U Yahay Uuna Hayaa Xog Badan Oo Ku Saabsan Dhacdooyinkii Ilaa Febraayo 8deedii Dalka Ka Dhacay,Sida Laga Soo Xigtay Ilo Muhiim Ah Oo Ku Dhow Thaabit.

Waxaa Lala Galay Gogortan Iyo Wada Xaajood Ku Saabsan Inuu Burburiyo Emailo Iyo SMS Uu Ka Hayo Madaxda Sare Ee Dalka.

Cidna Ma Oga Waxaa Ku Qoran Iyo Waxa Ay Yihiin, Balse Waa Xog Culus. Haddaba Guddoomiyihii Hore Taabit Oo Ka Dhego Adeygay Codsiyadan Ayaa Isaguna Dhankiisa Ku Hanjabayaa Inuu Warbaahinta Caalamka Iyo Dalka La Wadaagayo.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Ayaa Culeys Saaraya Thaabit Cabdi Maxamed Oo Uu Kaga Xog Waramay Inuu Xilka Ka Qaado Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/Llaahi Farmaajo.

Mudane Thaabit Cabdi Maxamed Ayaa Lagu Wadaa In Maalmaha Soo Socda Gudahooda Uu Ku Wareejiyo Xilka,Isagoo Dhawaan Magacaabay Guddiga Qaban Qaabiyay Xafladda Xil Wareejinta