Wasiirkii Beeraha ee Puntland oo Muqdisho ku Geeriyooday.

16 total views, 1 views today

Cabdinuur Cilmi Qaaje “Biindhe” Wasiirkii wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland oo muddooyinkaan ku xanuunsanaye Magaalada Muqdisho ayaa geeriyooday.

Wasiirka ayaa laga keenay Deegaanada Puntland si loogu baxnaaniyo, maadaama Xanuunka haye la sheegay in wax looga qaban waayey Deegaanada Puntland.

Cabdinuur ayaa naloo sheegay in uu qabay Cudurka Macaanka (Sokorta), isla markaana Muddooyinkii dambe ay isa soo tareysay Xaaladiisa Caafimaad.

Xildhibaano isugu jira Labada Gole ee Dowladda Federaalka, Eheladiisa iyo dad ay saaxiibo Siyaasadeed ahaayeen ayaa ku haye Isbitaalka lagu daweynaye.

Xildhibaan Sharma’arke Garaad Saleebaan oo katirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey Geerida Wasiirka.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa ehelada Marxuum Cabdinuur Cilmi Qaaje ugu tacsiyeeyey Geeridii ku timid.

Cabdinuur ka sokoow Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Puntland, waxa uu sanadkii 2013-kii soo noqday Madaxweynihii Maamulka Khaatumo.

Waxa uu kale kaalin muuqata kasoo qaatay Gobolada Sool iyo Sanaag sidii ay ugu madax banaanaan lahaayeen Maamulada Somaliland iyo Puntland, walloow markii dambe dhanka Puntland ay raaceen isaga iyo xubnihii taageersanaa.

Dhanka Dowladihii dalka Soo maray waxa uu u xusul duubtay sidii Maamulkii Khaatumo ay ugu aqoonsan lahaayeen in lagu daro Maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna kulamo aanan daba go’ lahey la qaatay Madaxdii Dowladda ee Xiligaasi dalka Majaraha u heysay.