Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tegey Sool iyo Sanaag

34 total views, 1 views today

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta soo gaba-gabeeyey Booqasho Afar maalin qaadatay oo uu ku marayey deegaano kamid ah Goboladda Sool iyo Sanaag.

Wasiir Jamaal ayaa booqashadiisa kusoo gaba-gabeeyey degmadda dhahar, halkaasi oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda oo kusoo dhowayey duleedka Magaaladda, wasiirka ayaana warbixino ka hadlaya baahiyaha iyo nabad geliyada ka dhagaystay dadka deegaanka.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Maal gashiga Dowladda Soomaaliya oo lahadlayey bulshaddii degmadda dhahar kusoo dhoweysay ayaa waxa uu shegay in dowladda federaalka Soomaaliya uu ugudbin doono natiijada socdalkiisa.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaaladda Nololeed ee ku sugan yihiin dadka ku nool deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.

Wasiirka oo socdaalkiisa soo gabagabayay, ayaa kormeeray garoonka diyaaraddaha Magaalada Garoowe oo dhismihiisu gabagabo yahay, waxaana uu kula kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxman Faroole oo hadda ah Senatar ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya.

Hase yeeshee booqashada Wasiirka qorsheynta uu ku tegey deegaano ka mid ah gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa cambaareeyay maamulka Somaliland oo ku tilmaamay booqashda mid gardaro ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.