Wasiirka Qorsheynta Iyo Xubno Ka Socday Qatar Oo Kormeeray Meelaha Laga Billaabayo Dhisida Laamiga Afgooye Iyo Jowhar…

28 total views, 1 views today

Wasiirka Qorsheynta Maalgahsiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan Iyo Xubo Ka Socday Dowladda Qatar Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ayaana Booqday Isgoys-Ka Ex Koontarool Afgooye Iyo Kan Ex Koontarool Balacd Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana La Sheegay In Halkaasi Ay U Tageen Kormeer Ku Aadan Mashaariic Laga Fulinayo Halkaasi.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay In La Bilaabayo Dhismaha Waddada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye, Iyo Sidoo Kale Tan Kale Ee Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho Iyo Jowhar Ee Gobolka Sh/ Dhexe.

Wasiirka Ayaana Uga Mahadceliyay Dowladda Qatar Mashaariicdaas Ay Ka Fulineyso Gudaha Soomaaliya.

Dowaldda Qatar Ayaa Ka Mid Ah Dalalka Sida Dhow U Taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana Dhawaan XFS Qatar Ay La Saxiixatay Heshiis Ku Kacaya 200 Oo Milyan Oo Dollarka Mareykanka Ah, Taas Oo Lagu Fulin Doono Mashaariicyo Kala Duwan.