Wasiirka Maaliyada oo Maanta hortagay Xildhibaanada Golaha shacabka ee Soomaaliya.

2,341 total views, 1 views today

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka maaliyadda Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta hortagay xildhibaanada Golaha Shacabka si uu uga jawaabo Su’aallaha ku aadan miisaaniyadda dowladda.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood kulul ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda 2018.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kulanka joogay ayaa xildhibaanada ugu jawaabayay su’aalaha la weydiiyay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa hada horyaala Sharciyo muhiim ah, kuwaasi oo u baahan in ay si deg deg ah ay u meel mariyaan mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.