Wasiirka Dastuurka C/Raxmaan Xoosh Oo Ka Hor-Yimid Hadalkii Wasiirka Amniga…

25 total views, 3 views today

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/Raxmaan Xoosh Jibriil Ayaa Ka Hor-Yimid Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Kaasoo Ahaa In Aanay Cidna Shir Qabsan Karin, Iyadoo Aanay Fasax Ka Heysan Hey’addaha Ammaanka Iyo Gobolka Banaadir.

Wasiir Xoosh Ayaa Bartiisa Facebook Ku Soo Qoray Inay Qalad Aheyd Amarkaas, Isla Markaana Ka Hor Imaaneysa Dastuurka

“Waxaan Hadda Daawaday Shirkii Jaraa’id Ee Wasiirka Amniga Gudaha Mr Islow Oo Uu Ku Yiri Cidna Shir Gaar Ah Ma Qabsan Karto, Iyadoo Aysan Fasax Ka Heysan Dowladda, Hagaag, Taasi Waa Qalad, Dastuurka Ayaa U Ogolaanaya Xoriyadda Ah In Cid Walba Ay Qabsan Karto Shirar Iyo Isu Imaadyo”Ayuu Yiri Wasiir Xoosh Oo Intaa Ku Daray In Qodobka 16aad Iyo 20aad Ee Dastuurka U Ogolaanayo.

Wasiirka Dastuurka C/Raxmaan Xoosh Jibriil Oo Ah Sharci Yaqaan Ayaa Dhowr Jeer Oo Hore Dood Sharciyeed Ka Keenay Hadalada Ka Soo Yeeray Mas’uuliyiinta Dowladda, Waana Arrin Uu Mar Kasta Ku Khilaafo Mas’uuliyiinta Dowladda Mar Alla Marka Dhanka Sharciyada La Baal Maro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.