Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka Oo Loogu Baaqay Inuu Isku Casilo Geerida Magangelyo La Tarxiilay…

9 total views, 1 views today

(Warqaat.com)-–Wasiirka Oo Lagu Magacaabo Horst Seehofer Ayaa Qarka U Saaran In Shaqada Laga Cayriyo, Kadib, Markii Uu Hadal Jeesjees Ah Sheegay Markii La Soo Gaarsiiyey In Magan-Gelyo-Doon  U Dhashay Dalka Afganitan Oo Ka Mid Ahaa 69 Qof Oo Laga Masaafuriyey Jarmalka  Is-Daldalay Markii Lagu Celiyey Dalkiisa Hooyo.

Wasiirka Oo 69-Sanno Jirsaday Maalintii Ku Xigtay Markii Uu Dhibanahaasi Is-Dilay Ayaa U Qaatay Warkaasi Naxrdita Lahaa Inay Tahay Hadiyadda Maalinta Dhalashadiisa.

Marxuumka Is-Daldalay Waxaa La Oran Jirey Jamaal Naasir Maxamuudi, Oo 23-Jir Ah, Kaasi Oo Talaadadii La Soo Dhaafay Isku Daldalay

Xubnaha Dowladda Jarmalka Ee Isbahaysiga Ah Iyo Mudanayaasha Barlamaanka Dalkaasi Waxay Ugu Baaqeen Ra’isul-Wasaare Angela Merkel Inay Wasiirkaasi Xilka Ka Qaado.