Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Cabdi Siciid Juxaa oo booqanaya gobolka Gedo

29 total views, 1 views today

Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Doolow oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano iyo taliyaha laanta socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyagoo u sii gudbi doona magaalada Beled Xaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay magaalada Doolow mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo maamulka degmada Doolow.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay wadahadalo la yeesheen mas’uuliyiinta degmada Doolow waxayna kala hadleen arrimaha ammaanka iyo socdaalka.

Wafdigan ayaa lagu wadaa inay gaaraan degmada Beled Xaawo halkaa oo ay ka taagan tahay muran u dhexeeya ciidamada Kenya iyo shacabka degmada Beled Xaawo.

Maamulka degmada Beled Xaawo iyo shacabka ku nool degmadaas ayaa hore ugu baaqay dowlada federalka inay wax ka qabato dhul ballaarsi ay wado dowlada Kenya.

Sidoo kale kulan ay yeesheen guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa cambaareeyay dhul ballaarsiga ay ka wado xukuumada Kenya xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.