Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Oo La Kulmay Safiirka Imaaraat-Ka iyo Waxa Laga Had lay…

25 total views, 2 views today

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Ayaa Kulan Kula Qaatay Xarunta Safaaradda Ee Magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Imaaraat-Ka Carabta U Fadhiya Soomaaliya Amb; Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi.

Labada Masuul Ayaa Ka Wada Hadlay Xiriirka Qotoda Dheer Ee Ka Dhexeeya Soomaaliya Iyo Imaaraat-Ka Iyo Sidii Loo Sii Xoojin Lahaa Calaaqaadka Taariikhiga Ah.

Danjire Al-Xamaadi Ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya U Gudbiyay Dhambaal Salaan Ah Oo Uu Kaga Siday Dhiggiisa Dalka Imaaraat-Ka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan Iyo Wasiiru Dowlaha Dalkaasi Dr; Anwar Bin Maxamed Qarqaash, Iyagoo U Rajeeyay Inuu Ilaahay Ku Guuleeyo Howlaha Horyaalla.

Wasiir Cawad Ayaa Dhankiisa Dowladda Imaaraat-Ka Kaga Mahad Celiyay Dedaallada Joogtada Ah Ee Ay Ku Taageereyso Soomaaliya, Isagoo Aad U Bogaadiyay Xiriirka Soo Jireenka Ah Ee Ka Dhexeeya Labada Dowladood.

Sidoo Kale Wasiirka Ayaa Dowladda Imaaraat-Ka Ku Ammaanay Mashaariicda Horumarineed Ee Dhan Walba Leh Ee Ay Ka Waddo Dalka Soomaaliya, Gaar Ahaan Taageerada Ay Siiso Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.