Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulankii u horeeyay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya

19 total views, 1 views today

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Ayaa Magaalada Addis Ababa Kulankii U Horeeyay Kula Qaatay Dhiggiisa Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu,

Labada Wasiir Ayaa Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba Geesoodka Iyo Iskaashiga Dhinacyada Badan Leh Ee U Dhexeeya Labada Dal.

Amb. Axmed Cawad Iyo Dr. Workneh Gebeyehu Waxa Ay Si Qotodheer U Fallanqeeyeen Arrimaha Ammaanka, Ganacsiga , Maalgashiga Iyo Suuragalnimada Xiriir Furan Oo U Dhexeeya Labada Shacab Ee Soomaaliya Iyo Ethiopia.

Waxaa Lagu Wadaa In Bisha March, 2018 Markii Ugu Horreysay Labada Dowladood Ay Yeeshaan Guddi Heer Wasiir Ah Oo Qaadaa-Dhiga Waxyaabo Halbowle U Noqon Kara Iskaashi Sal Adag Oo Labada Dal Ay Yeeshaan.