Wasiirka Amniga Somalia Oo Maanta Hortagaya Xildhibaanada BF…

20 total views, 1 views today

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS Ayaa Maanta Kulan Ku Yeelanaya Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Ayaa Ka Shiri Doono Qodobo Dhowr Ah, Waxaana La Horgeynaa Hindise Sharciyeedyo Ay Soo Diyaarisay Wasaarada Amniga Ee Xukuumada Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedyada Xildhibaanada La Horgeynayo Waxaa Ka Mid Ah Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagixisada Iyo Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Wax Dila.

Labadaan Hindise Sharciyeed Ayaa Waxaa Soo Diyaarisay Wasaarada Amniga Ee Xukuumada Soomaaliya, Waxaana Cod Wada Ogol Ah Ku Soo Ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagixisada Waxa Uu Ka Kooban Yahay 37 Qodob.

Qodobka 35-Aad Ee Xeerkan Waxa Uu Tilmaamaya Awooda Qaadista Dacwadaha Xeerkan, Waxa Uuna U Qoran Yahay Sidatan.

Maxkamadaha Rayidka Ayaa Leh Awoodda Qaadista Dacwadaha Ka Dhasha Fal Dambiyeedka Argagixisada Ee Uu Xeerkan Tilmaamayo.

Cid Kasta Oo Ay Cadaato In Eedeynta Loo Soo Jeediyay Aysan Aasaas Lahayn Kana Soo Gaarta Waxyeelo Sharafeed Iyo Mid Hantiyadeed, Waxa Uuna Xaq U Yeelanaya Raali Gelin Mag Dhaw U Dhiganta Mida Soo Gaartay.

Qodobka 31-Aad Ee Xeerkan Waxa Uu Tilmaamaya Qaabka Koox Loogu Tilmaami Karo Argagixiso.

Hadii Wasiirka Wasaarada U Xil Saaran Amniga Gudaha Uu Hayo Sababo Macquul Ah Oo Uu Ku Aamino In Koox Mucayin Ahi Ay Ku Lug Leedahay Howlo Argagixiso,Waxa Uuna Isaga Oo Cuskanaya Xog Sugan Oo Ay So Gudbiyaan Taliyaasha Hay’ddaha Amniga Soomaaliyeed Isaga Oo Wargelinaya Cid Ay Khuseyso Waxa Uu Ku Dhawaaqaya Kooxdaasi Ay Tahay Koox Argagixiso Iyadoo La Raacayo Xeerkaan.

Sidoo Kale Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Wax Dila Waxa Uuna Isna Ka Kooban Yahay 10 Qodob.

Labada Hindise Sharciyeed Ayaa Waxaa Ku Lifaaqan Codsi Ra’isal Wasaare Kaasi Oo In Xildhibaanada Golaha Shacabka Ay Si Deg Deg Ah Labadaan Hindise Sharci Ugu Dhigaan Oo Ay U Ansixiyaan Maadaama Ra’isal Wasaraha Uu Sheegay In Labadooduba Ay Muhiim U Yihiin Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.