Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Saldhigga Boosaaso

11 total views, 1 views today

Wasiirka Amniga maamulka Puntland, Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa wuxuu faafaahin ka bixiyay Weerar ka dhacay saldhigga Booliska Bartamaha ee Boosaaso.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Weerarkaas uu dhankooda Khasaare kasoo gaaray isla markaana ay ku dhaawacmeen Askar ka tirsan Ciidamada maamulkaas, wuxuuna hadalkiisa raaciyay in Taliye ku xigeenka Saldhigga Bartamaha ee Boosaaso uu dhaawac kasoo gaaray weerarka.

Wuxuu Beeniyay Wasiirku in weerarkaas ay ciidamadooda wax Khasaare ah oo dhaawac ka baxsan kasoo gaareen weerarka, isagoo Ammaan u jeediyay ciidamadii Saldhigga joogay xilliga uu weerarku dhacay.

Saldhigga Bartamaha ayaa mar qura caawa Fiidkii laga Maqlay Bambaanooyin, waxaana xigay rasaas ay is dhaafsanayeen ciidamada saldhigga joogay iyo kooxda weerarka qaadday, sida dadka degmadu ay sheegayaan.

Wasiirka Amiga ee Puntland wuxuu sheegay in aysan taasi waxba u dhimi doonin Hannaanka Amniga iyo Howlgallada Booliska ee Boosaaso.