Wasiirka Amniga Jubbaland oo amaro dul dhigay ciidamada amniga

1,024 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Wasiirka Amniga ee Mamaulka Jubbaland Cabdi rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa waxaa uu sheegay in laga hortagayo cidkasta oo caqabad ku ah amniga iyo Xasiloonida deegaanada Maamulkaasi.

Ciidamada ayuu faray wasiirka amniga in ay la diraraan waxa uu uga yeeray cadow oo dhibaato ku ah amniga, islamarkaana hada ay bilowdeen Howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wasiir Janan ayaa sheegay in Howlgalka ay fulinayaan ciidamo ka tirsan Nabad Sugida, Booliska iyo kuwa ilaaliya Madaxtooyada Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa uu digniin u diray askarta ka tirsan Jubbaland ee Hubka ku dhex wata Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.