Wasiiradii Shalay Lamagacaabay Ee Maamulka Hirshabelle Qeebo Kamida Oo Qorsheenaya In Ay Is Casilaan

17 total views, 1 views today

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay magaalada Jowhar uga dhawaaqay Liiska Golihiisa cusub ee Wasiirada, waxaana Liiska Wasiirada uu ka ilaaliyay in ay soo galaan Xildhibaanada Hirshabelle.

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qaar kamid ah Wasiiradii uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Waare ay qorsheenayaan in ay is casilaan, Wasiiradan ayaana  ku qanacsaneyn xilalka loo magacaabay.

Mid kamid ah Wasiiradii uu shalay Waare magacaabay ayaa isla shalay ku dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilay, waxa uuna Wasiirkaasi sheegay in aan lagala tashan xilka loo magacaabay.

Qaar kamid ah Beelaha Dega Hirshabelle ayaa ku qanacsaneyn Wasiirada ay ka heleen maamulka Hirshabelle, waxa ayna Waxgaradka beelahaasi ku cadaadinayaan Wasiirada ay ka heleen maamulka Hirshabelle in xilkaasi iska casilaan.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa si xoogan uga soo horjeeda Wasiirada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Hirshabelle, waxa ayna Xildhibaanada qaarkood sheegeen in aysan ansixin doonin Wasiirada cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.