Wasiir Xoosh “Waxaan isla dajiyay Qorshaha Saddexda Bilood Soo socota”.

13 total views, 1 views today

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil oo Magaalada Baydhabo kusoo gaba-gabeeyay shirkii 4-aad ee Saddexdii bilood marba mar la qabto ayaa sheegay in qorshe siyaasadeed ay dajisay wasaaradda.

Gaarista qorshahaasi waxa uu ku tilmaamay in loo marayo habraaca Wasaaradda iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada ee ay isla meel dhigeen

Isla xisaabtan ayuu tibaaxay in uu jiro doono, si uu dhaqan gal u noqdo axdiyadii ay wada gaareen wasaaradda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada sida uu hadalka u dhigay.

Wasaaradda Dastuurka ayuu Cabdiraxmaan Xoosh sheegay in ay u taagan tahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa Doorasho qof iyo cod ah, isla markaana ay wasaaraddu isku howli doonto qabyo tirka iyo wax ka badalka dastuurka.

Khilaaf sababay in uu go’o Xiriirkii iyo kulamadii Joogtada ahaa ee ay wasaaradda Arrimaha Dastuurka kala tashan jirtay Guddiyada Dastuurka Baarlamaanka iyo kan madaxa Banaan.

Labada dhinac ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaadanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Wasaaradaha ku shaqada leh Arriaha Dastuurka.