Wasaaradda Amniga Oo Sheegtay In Gacanta Lagu Dhigay Rag Ka Tirsan Al-Shabaab

21 total views, 1 views today

Duhurnimadii Jimcihii Shalay Ayaa Rag Hubeysan Waxa Ay Xaafada Baar-Ubax Gaar Ahaan Masjidka Xareed Wax Ay Ku Dileen Skari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda,Waxana Wasaaradda Amniga Ay Sheegtay In Gacanta Lagu Dhigay Raggi Ka Dambeeyay Dilkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan Ayaa Sheegay In Howlgal Ay Ciidamadu Sameeyeen Ay U Suurtagashay In Saddex Ka Mid Ah Raggii Dilkaasi Fuliyay La Qabtay Oo Uu Sheegay In Ay Ka Tirsn Yihiin Al-Shabaab.

Waxa Uu Sheegay In Dhalinyarada Dilkasi Ka Dambeysay Ay Gaarayeen Ilaa 5 Laakin Hadda Gacanta Lagu Hayo Saddex Ka Mid Ah Kuwaas Oo U Sheegay In Warbaahinta Loo Soo Bandhigi Doono.

Afhayeenku Mashaacin Halka Sida Rasmiga Ah Looga Soo Qabtay Saddexdaasi Nin Oo Uu Sheegay In Ay Ka Dambeeyeen Dilka Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya Balse Uu Sheegay In Laamaha Amniga Ay Gacanta Ku Hayaan.

Todobaadyadii La Soo Dhaafay Ayaa Muqdisho Waxaa Ka Dhacay Dilal Qorsheysan Kaas Oo Inta Badan Loo Geystay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya,Wxana Dilalkaas Sheegtay Masuuliyadooda Al-Shabaab.