Wasaarada Arimaha Gudaha oo War ka soo saartay Xiisada ka taagan KGS.

3,083 total views, 1 views today

Warsaxaafadeed kasoo baxay, Wasaarada arimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya. ayaa waxaa looga hadlay Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Qoraalka Wasaarada arimaha gudaha oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu hadlay Doorashada dhawaan ka dhici doonto Magaalada Baydhabo.

“Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri Muddada xilhaynta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed. Ayuu lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaarada arimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa xiligan Waxaa ka taagan Jahwareer siyaasadeed, iyadoona arintan ay ka dambeysay kadib markii ay iscasileen Xunaha gudigga Doorashada ee Maamulka Koofur Galbeed.