Wasaaarada Maaliyada Oo Maamul Goboleedyada Ka Dalbatay Xisaab Celinta Lacagihii Hore Loo Siiyay.

603 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa mar kale ka codsatay Maamul Goboleedyada inay soo gudbiyaan xisaab celinta isticmaalka lacagihii horay loogu diray.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Maaliyada Somaliya, ayaa lagu sheegay in laba jeer laga dalbaday dowlad Goboleedyada iney ku soo celiyaan Xisaab xirka lacagihii hore loo siiyay Maamulada.

“Xisaab celintu, waxa ay qeyb ka tahay daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka udub dhexaadka u ah dhaqan gelinta shuruudaha Maaliyadeed ee dalka u degsan” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasiir Beyle.

Qoraalka, waxaa lagu sheegay in si dhow Todobaadyadii dnabe lagala shaqeynayay Wasaaradaha Malaiyada dowlad Goboleedyada, sidii ay u soo gudbin lahaayeen xisaab celinta lacagaha.

Hadii tani ay dhacdo, ayey tiri Wasaarada maaliyada, waxey ka dhigeysaa in Maamul Goboleedyada la siiyo Saamiga uga soo aaday lacag ay soo dhiibtay Bankiga Aduunka.