Wargeysyada Iyo Wararka Xanta Ah Oo Ay Qoreen Toddobaadka Ugu Dambeeya Suuqa

26 total views, 1 views today

Suuqa Kala Iibisga January Ayaa Furan Maalintii 27aad, Iyadoo Kooxaha Waaweyn Dalabyo Ay U Dirayaan Ciyaartooy Muddo Diirada U Saarneyd.

Wargeysyada Waaweyn Ee Dunida Ayaa Maanta Oo Sabti Ah Wax Ka Qoray Xaalada Suuqa Kala Iibsiga Iyo Xanta Kooxaha Ugu Weyn Shanta Horyaal Ee Ugu Sarreysa Yurub.

Haddaba Shabakadda Warqaat.Com Ayaa Idin Soo Gudbin Doonta Maanta Sida Wargeysyada Wax Kaga Qoreen Marxalada Suuqa .

Real Madrid Ayaa Dooneysa In Mauricio Pochettino Ka Dhigto Tababaraha Cusub Ee Kooxda Xili Zidane Uu Saaran Yahay Cadaadis Xoogan (Mail)

Spurs Ayaa Ku Dhow Inay Dhameystirto Heshiis 21.9 Milyan Oo Ginni Ah Oo Ay Kula Soo Saxiixanayaan 25 Jirka Garabka Uga Ciyaara Kooxda Paris St-Germain Lucas Moura. (RMC Sport – France)

Manchester City Ayaa Heshiis 57 Milyan Oo Ginni La Gaartay 23 Jirka Daafaca Dhexe Uga Ciyaara Kooxda Athletic Bilbao Aymeric Laporte. (Guardian)

Real Madrid Ayaa Qorsheyneysa Inay Keento 27 Jirka Weerarka Uga Ciyaara Chelsea Eden Hazard, 24 Jirka Weerarka Uga Ciyaara Tottenham Harry Kane Iyo 27 Jirka Reer Spain David De Gea. (Mail)

Arsenal Ayaa Soo Bandhigtay Dalab 10 Milyan Oo Ginni Ah Oo Ay Ku Dooneyso 32 Jirka Daafaca Dambeedka Midig Ee Reer France Mathieu Debuchy Oo 30 Sanno Jir Ah Si Ay Bedelkiisa U Keenaan Daafaca Dhexe Ee Kooxda West Brom Jonny Evans. (Star)

Gunners Ayaa Dooneysa Inay 25 Milyan Oo Ginni Ku Dalbato Evans Oo U Ciyaara Kooxda Baggies. (Sun)

Tababaraha West Brom Alan Pardew Ayaa Sheegay In Kooxaha Xiiseynaya Evans Ay Heli Doonaanjawi  Wanaagsan “Hadii Ay Isbuucaan Soo Bandhigaan Dalab Rasmi Ah” (Telegraph)

Newcastle Ayaa Qandaraas Cusub Oo 15 Milyan Oo Ginni Ah Usoo Bandhigtay 27 Jirka Weerarka Uga Ciyaara Kooxda Feyenoord Nicolai Jorgensen. (Sky Sports)

Kooxda Reer Holland Ayaa U Sheegtay Magpies Inay Bixiyaan Ugu Yaraan 25 Milyan Oo Euros Oo U Dhigma (£ 21.9m) Haddii Ay Doonayaan Saxiixa Dane. (Northern Echo)

Tababaraha Newcastle Rafa Benitez Ayaa Sheegay In Aleksandar Mitrovic Uusan Iib Aheyn Xili Brighton La Fahamsan Yahay Inay Durbadiiba Dalab Ka Gudbisay Weeraryahanka 23 Jirka Ah Reer Serbia. (Telegraph)

Tababaraha West Ham David Moyes Ayaa Isku Dayi Doona Inuu Lasoo Saxiixdo Weeraryahanka Watford Troy Deeney, Oo 29 Jir Ah, Haddii Uu Ku Guuldareysto Saxiixa Weerarka Liverpool Daniel Sturridge, 28. (Sun)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp Ayaa Sheegay Inuusan Hubin Fursada Uu Ku Ciyaari Karo Sturridge Haddii Uu Sii Joogo Anfield. (Guardian)

Tababarihii Hore Ee Everton Iyo Southampton Ronald Koeman Ayaa Wadahadalo Kula Jira Xiriirka Kubada Cagta Netherlands Si Uu U Noqdo Tababaraha Xulka Netherlands. (VI – Dutch)

Juventus Ayaa Xiiseyneysa Inay Lasoo Saxiixato 28 Jirka Daafaca Uga Ciyaara Kooxda Manchester United Matteo Darmian. (Sun)

Chelsea Ayaa Isha Ku Heyn Doonta Weli Xaalada 31 Jirka Weerarka Uga Ciyaara Kooxda Roma Edin Dzeko Ilaa Dhamaadka Todobaadkaan. (Telegraph)

Brighton Ayaa £ 1.5m Ku Dalbaneysa Xididga Kooxda Luton Daafaca Midig Kaga Ciyaara Ee James Justin Oo 19 Sanno Jir Ah, (Sun)

Kabtanka Kooxda Fulham 27-Sano Jirka Ah Qadka Dhexe Ee Tom Lamney Ayaa Doonaya Inuu U Wareego Kooxda West Ham, Laakiin Kooxdiisa Ayaa Diiday Inay Iska Iibiso. (Sky Sports)

Aston Villa Ayaa Kula Biirtay Kooxda Hull City Dagaalka Daafaca Kooxda Aberdeen Scott Mckenna. (Scottish Sun)

Sunderland Ayaa Muujisay Inay Xiiseyneyso Saxiixa Goolhayaha 39 Jirka Ah Ee Reer Greek Kana Tirsan Middlesbrough Dimi Konstantopoulos. (Northern Echo)

Tim Cahill Ayaa Laga Yaabaa Inuu Qandaraas U Saxiixo Kooxda Millwall, Laakiin Nottingham Forest Ayaa Sidoo Kale La Sheegayaa Inay Xiiseyneyso Saxiixa 38 Jirkaan Reer Australia. (Sky Sports)