WARBIXIN: Kooxda Manchester United Oo Aan Ka Cabsi Qabin Inuu Ka Tago Macallinkeeda Jose Mourinho…

23 total views, 2 views today

Sida Wararku Ay Sheegayaan Kooxda Kubadda Cagta Manchester United Ayaa Kalsooni Ku Qabta In Macallinkeeda Jose Mourinho Uu Baaqi Ku Sii Ahaan Doono, Isla Markaana Uu Hoggaamin Doono Naadiga Inta Loogu Talo Galay Mustaqbalka.

Tababaraha Ku Guuleystay Saddexda Goor Horyaalka Premier League Ayaa Shaqada Macallinimo Ee Old Trafford Qabtay Xagaagii La Soo Dhaafay, Waxaana Uu Naadiga Ku Hogaamiyey Efl Cup Iyo Europa League Intii Lagu Guda Jiray Xilli Ciyaareedkiisii Ugu Horreeyey Ee Kooxda.

Illaa Iyo Haddana Ma Seexan Oo Waxa Ay Man United Kooxda Ay Dariska Yihiin Kula Tartamaysaa Hanashada Horyaalka Premier League Inkastoo Laga Sarreeyo Siddeed Dhibcood, Laakiin Warar Dhawaan Soo Baxay Oo La Isla Dhexmarayey Ayaa Sheegayey Inuu Macallinkan U Dhaqaaqi Doono Naadiga Paris Saint-Germain.

Kooxda Ka Dhisan Horyaalka Ligue 1 Ayaa Muddo Dheer La La Xiriirinayey Macallin Mourinho, Halka Tababaraha Kooxda Psg Unai Emery Loo Magacaabay Xilli Ciyaareedkan, Inkastoo Qaab Ciyaareed Wanaagsan Ay Kooxdiisu Ku Leedahay Gudaha Iyo Yurub.

Mourinho Ayaana Sidoo Kale Ku Ammaanay Psg Bishii Hore, Milkiilayaasha Kooxda Faransiiska Ayaa La Filayaa Inay U Arkaan Tababaraha Reer Portugal Sida Kan Ugu Fiican Ee U Suuro-Gelin Kara Inay Ugu Guuleystaan Oo Gaaraan Hadafkooda Ugu Danbeeyay Ee Ah Champions League.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Wargeyska The Guardian Ayaa Warinaya In Man United Aysan Wax Walwal Ah Ka Qabin In Mourinho Uu Ka Tagi Doono Kooxda, Islamarkaana Waxa Ay Rajeynayaan Inuu Sii Hayn Doono Xukunka Kooxda 10 Sano Ka Badan.

Macallin Mourinho Ayaa Leh Caado Ah Inuusan Marnaba Ka Tagin Muddo Saddex Sano Iyo Bar Ah Mid Kasta Oo Ka Mid Ah Kooxihii Hore Ee Uu Soo Maamulay, Waxaana Uu Soo Jeediyay Horraantii Markii Uu Yimid Man Utd Inuu Doonayo Inuu Sii Joogo Garoonka Old Trafford Muddo Dheer.

Man United Ayaa Hadda Waxa Ay Fadhisaa Kaalinta Labaad Ee Kala Horreynta Horyaalka Premier League, Inkastoo Ay Siddeed Dhibcood Ka Dambeyso Kooxda Ay Ku Xafiiltamaan Magaalada Manchester Ee Man City Oo Hoggaanka U Haysa Horyaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.