Wararkii ugu danbeeyay qarax aad u culus oo laga maqlay goobo fog fog oo kadhacay…

28 total views, 2 views today

Wararka Inga Soo gaaray Gobolka Gal gaduud ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay Deegaanka Xeraale,iyadoo Qaraxa uu khasaaro geystay.

Afar Carruur ayaa midkood uu dhintay seddexdii kalena ay ku dhaawacmeen markii Qaraxa ay ku ciyaarayeen uu ku qarxay.

Qof ka mid ah Dadka deegaanka Xeraale waxa uu sheegay in Carruurta dhaawaca ay xaaladooda wanaagsan tahay midkood inuu daran yahay maaha.

Xeraale ayaa ku taalla Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya,iyadoo aysan aheyn markii koobaad ee Ka dhacaan Qaraxyo Haraadiga ah ee dhulka ku aasmay Ee carruurta ku ciyaaraan.

Waxgaradka Baadiyaha Gobolka Gal gaduud ayaa codsaday in Qalabka Miino baarista loo keeno deegaanadooda si loo saaro oo Carruurta ku waxyeeloobin.