Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Kismaayo

749 total views, 2 views today

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan maanta, kadib markii shalay gelinkii dambe uu iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland.

Iska hor-imaadkaasi ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ciidamada Ammaanka Jubbaland u suurtagashay in ay gacanta ku dhiggaan Koox hubeysan.

Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa Saaka howlgallo ka wadda Xaafadaha ee ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo.

Howlgallada ayaa Magaalada looga saraya Koox hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay falal lidi ku ah Ammaanka ka waday magaalada Kismaayo.

Kooxda Shalay dagaal ka dib gacanta lagu dhigay ayaa kasoo horjeeday madaxweynaha Jubbaland, waxaana dhowr jeer oo laysgu dayay dhexdhexaadin lagu guuldareystay, waxaana xusid mudan in ay dileen nabaddoonkii waday dhexdhexaadinta.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa amar ku bixiyay in Magaalada laga ciribtiro Kooxaha hubeysan ee aan aheyn Ciidanka jubbaland.