Wararkii ugu dambeeyay ee doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed

2,974 total views, 2 views today

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Qabashadda doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.

12 Xubnood ee ka haray guddigii doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ay sii wadayaan Shaqadda,islamarkaana doorasho ay ku dhici doonto xilligii loogu tala galay.

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo kala duwan oo ku aadan in la kordhiyo Guddiga doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed si doorashaddu ugu dhacdo sidii loogu tala galay.

15 xubnood ka mid ah Guddiga doorashadda ayaa horay ugu dhawaaqay in ay joojiyeen shaqaddii loo idmaday ka dib markii dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay dhibaato weyn ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa walaac badan ka qaba doorashadda Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed,Maadaama ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashadda.

Saacaddihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda cusub ee ka taagan doorashadda Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay Magaalada Baydhabo, waxaana musharaxiinta qaarkood ay sheegeen in ay ku jahwareereen Xaaladda Koonfur Galbeed.