Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Baardheere

25 total views, 1 views today

Faahfaahino Dheeraad Ah Ayaa Kasoo Baxaya Dagaal Culus Oo Maanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo Sidoo Kale Dagaalyahanada Al-Shabaab Ku Dhexmaray Duleedka Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.

Dagaalka Ayaa Yimid Ka Dib Markii Dagaalyahano Ka Tirsan Al-Shabaab Ay Weeraraan Kusoo Qaadeen Ciidamada Dowladda Ee Ku Sugan Degaanka Fafaxdhuun Ee Duleedka Baardheere.

Sidda Ay Xaqiijiyeen Dadka Degaanka Dagaalka Ayaa Qaatay Saacaddo Badan, Waxaana Ka Dhashay Khasaare Kala Duwan.

Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo Ayaa Sheegay In Ay Dileen Dagaalyahano Ka Tirsan Shabaab, Islamarkaana Uu Jiro Khasaare Ka Dhashay Dagaalkaasi.

Ilaa Iyo Hadda Lama Oggaan Karo Khasaaraha Rasmiga Ee Dagaalkaasi Ka Dhashay