Wararkii Ugu Dambeeyay Dadaalo Lagu Sii Deynayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Oo Ka Socda Muqdisho…

21 total views, 1 views today

Waxaa Socda Kulamo Iyo Dadaalo La Doonayo In Lagu Sii Daayo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame Oo U Xiran Dowladda Soomaaliya, Waxaana Dadaalada Ku Soo Biiray Odayaasha Dhaqanka, Gaar Ahaa Imaamka Iyo Ugaas Mudullood Oo Galabta La Kulmay Madaxda Dowladda.

Sida Ay Sheegayaan Wararka Odayaasha Dhaqanka Ee Ay Hoggaaminayaan Imaam Maxamed Yuusuf Iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Ayaa Galabta La Kulmay Ra’iisul Wasaaraha, Iyagoo Ka Dalbaday In Lagu Soo Wareejiyo Cabdiraxmaan CabdiShakuur, Isla Markaana Xaalada Taagan Lagu Dhameeyo Sulux.

Wararka Qaar Ayaa Sheegaya In Lagu Wado In Caawa Loo Geeyo, Waxaana Socda Kulamo Aan Kala Go’laheyn Oo La Doonayo In Lagu Soo Afjaro Xaalada Ka Dhalatay Xarigga Cabdiraxmaan C/Shakuur.

Sidoo Kale Waxaa Iminka Xarunta Madaxtooyada Kulan Uga Socdaa Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Hirshabeelle Oo Dadaalada Iyana Ku Soo Biiray, Waxaa Kaloo Wehliya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda.

Ilo Wareedyo Ay Heleyso warqaat.Com Ayaa Sheegaya In Dadaalada Socda Ay Suura Gelin Karaan In Caawa La Sii Daayo C/Raxmaan C/Shakuur.

Tan Iyo Markii Galabta Ay Dib U Dhacday Makamadeynta Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Waxaa Soconayo Kulamo Siyaasadeed Oo La Doonayo In Lagu Sii Daayo, Isla Markaana Dowladda Ay Afjarto Kiiskiisa, Arrintana Lagu Dhameeyo Xeer Jajab.

Wixii Warar Ee Ku Soo Kordha Kala Soco Wararkeena Dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.