Warar Dheeri Ah Oo Laga Helayo Dagaal Dhexmaray Ciidamada Itoobiya Iyo Al-Shabaab

22 total views, 1 views today

Faah Faahino Dheeraad Ah Ayaa Ka Soo Baxaya Dagaal Khasaaro Geystay Oo U Dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Al-Shabaab Kaas Oo Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo Ee Maamulka Jubbaland.

Dagaalka Ayaa Sigaar Ah Waxa Uu Uga Dhacay Deeaganka Yurkud Oo 40Km U Jira Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo,Waxana Uu Yimid Kadib Markii Qarax Miino Lagu Beegsaday Mid Ka Mid Ah Gaadiidka Dagaalka Ee Ciidamada AMISOM Oo Marayay Deegaankaas.

Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Oo Sababo Amni U Diiday In Magaciisa Iyo Codkiisa Saxaafada Loo Adegsado Ayaa Sheegay In Deegaanka Yurkud Uu Ka Dhacay Dagaal Culus Oo U Dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya Iyo Al-Shabaab Balse Aysan Ogeyn Khasaaraha Ka Dhashay.

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Jubbaland Ee Gobolka Gedo Nooma Suurtagelin Si Aan Wax Uga Weydiino Dagaalkaas,Balse Waxaa Soo Abxaya Warar Sheegaya In Uu Jiro Khasaaro Labada Dhinac Ah.

Al-Shabaab Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Dagaalkas Ay Ku Gubeen Mid Ka Mid Ah Gawaarida Ciidamada Itoobiya,Isla Markaana Ay Ku Dileen Ciidamo Wallow Weli Wax Jawaab Ah Aysan Ka Bixin Saraakiisha Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Dowladda.