Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Dagaal Galmudug Iyo Al-Shabaab Ku Dhexmaray Galgaduud.

3,072 total views, 3 views today

Wararka ka imaanaya Deegaanka Goola-goole oo 80KM dhanka Koofureed ugu beegan Guriceel ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac uu kala gaaray Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida dadka deegaanka ay warqaat u sheegeen.

Askari katirsan Ciidamada Galmudug kuna dhaawacmay Dagaalka ayaa la geeyay isbitaalka Istarliin ee ku yaalla Guriceel.

Dagaalka waxa ay wararku sheegayaan in ay qaadeen Ciidamada Galmudug, waxaana labada dhinac ay kala sheegteen in ay guulo ka kala gaareen Dagaalka.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Ciidamada Galmudug ay dib ugu soo baxeen deegaan u dhaw Goola-goole oo ay dagaalka ku qabsadeen.

Saraakiil katirsan Galmudug ayaa sheegay in ay dileen dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, deegaanadii ay ku sugnaayeen ay ka qabsadeen.

Dhanka Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay dileen 10 kamid ah Ciidamadii Galmudug ee weerarka qaaday.

Ma jiro warar ka madax banaan Galmudug iyo Al-Shabaab oo ka xog-warmaya Khasaaraha labada dhinac kala gaaray iyo deegaanada ay ku kala sugan yihiin.