Warar Cusub Oo Saaka Ka Soo Kordhaya Natiijada Doorashada Somaliland…

24 total views, 1 views today

Wararka Laga Helayo Degaanada Maamulka Somaliland Ayaa Sheegaya In Maanta Oo Isniin Ah Lagu Dhawaaqi Doono Natiijada Doorashadii Madaxweyne Ee Somaliland Sida Laga Soo Xigtay Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Guddiga Doorashada Ayaa Sheegay In Dib Loo Tiriyay Codadkii Muranka Dhaliyay Ee Laga Dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa Iyo Gibileey,Waxaana Ay Hoosta Ka Xariiqeen In Maanta Ay Shaacin Doonaan Musharaxii Ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha 

Dhanka Kale Xisbiga Wadani Ayaa Mar Kale Kala Baxay Guddiga Doorashada Xubnihii Muraaqibiinta Ama Goobjooga Uga Ahaa Tirinta Codadka Doorashada,Waxaana La Sheegay In Xisbiga Wadani Uu Saluugsan Yahay Natiijada Ay Ka Heleen Gobolka Maroodijeex Oo Ah Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

Waa Markii Labaad Oo Xisbiga Wadani Uu Joojiyay Wada Shaqeynta Guddiga Doorashada,Inkastoo Xal Laga Gaaray Murankii Hore Ee Xisbiga Wadani Iyo Guddiga Doorashooyinka U Dhexeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.